Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Nuur Cade- ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya
Nuur Cade- ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida uu wilkiisa u xaqiijiyay BBC-da.

Maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Britain.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayay, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Nuur Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Ra’isulwasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo .

Waxaa uu Ra’iisul Wasaare ahaa tan iso 2009-kii, Nuur Cadde inta aanu noqon Ra’siulwasaare waxaa uu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this