Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo U Geeriyooday Cudurka Halista Ah Ee Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Magaalada London ee Caasimada dalka Ingariiska uu Maanta ku geeriyooday Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

Nuur Cadde ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu la xanuusanaa oo ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay ku geeriyoodeen kumanaan qof oo ay ku jiraan Soomaali.

Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa oo la hadlay warbaahinta.

Alle u naxariistee Nuur Cadde ayaa waxaa ku geeriyooday cisbitaal lagu magacaabo Kings College oo ku yaalla Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska oo uu maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa Cudurka Coronavirus waxaa ay ugu geeriyoodeen dalal ku yaalla Yurub, waxaana kamid ah Ingiriiska iyo dalka Sweden, iyadoona ay xusid mudan tahay in dad Soomaali ah oo ku nool Yurub uu soo ritay Cudurkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this