Deeq A. Posted April 1, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaanka Dag-Caday oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kadib dagaal ay la galeen ciidanka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahnno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay u suura-gashay inay guud ahaan qabsadaan, kadib iska hor imaad ka dhacay halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Dag-Caday, islamarkaana ay dagaalka ku gubeen gaari ciidan, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab meel fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka, welina ay joogaan halkaasi. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamada huwanta ayaa maamihii u dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyo milatari ee au ka wadaan K/Soomaaliya, inkastoo iska caabin ay kala kulmaan Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites