Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr Cali Saciid Fiqi oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay ku tartameen laba musharax.

Fadhiga doorashada ayaa waxaa ku sugnaa 93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo musharixiinta u kala codeynayay,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed loo doortey Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Labada musharax ayaa waxaa ay codadka u kala heleen 84  Cod waxaa helay Dr Cali Saciid Fiqi oo noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanka halka 2 Cod uu helay musharixii la tartamayay ee Maxamed Cabdiraxmaan,waxaana halaabey 8 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa aad uga hooseysay doorashooyinka kale Guddoonka Baarlamaanka dowlad goboleedyada, maadaama xamaasadda tartankaas uu aad u hooseeyay, marka loo eego in hal musharax kaliya ahaa ninka la hadal hayay.

Goordhow ayaa la guda geli doonaa doorashada Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,hayeeshee Xildhibaanada loo fasaxey qado iyo inay Salaad soo dukadaan.

Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed  iyo Maxamed Nuur Maxamed ayaau taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed,halka Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this