Deeq A. Posted April 1, 2020 Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qarax barqaninadii maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay agagaarka isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo noociisu Miino ahaa yaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya. Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu gestay qaraxaan, iyadoona goobjoogayaal ay inoo xaqiijiyeen in uu ku dhintay hal qof oo ahaa wade Bajaale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay askarta lala eegtay, welow aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino. Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka u ridata weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites