Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay agagaarka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aha nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayey waddadaasi, siday inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyey illaa saddex qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, oo labo ka mid ah ay haayeen askarta qaraxa lala eegtay, halka qofka kale uu ahaa wade moote Bajaale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ciidamadu ay fureen rasaas xoogan, sida ay soo wariyeen dadka aan la hadalnay.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa wadada horumarta isbitaal Digfer oo ay si aad ah u isticmaalaaan dadweynaha Muqdisho.

Ma jiro weli cid sheegatay masuuliyada weerarkaan loo adeegsaday qarax miino, balse alaaba waxaa sheegtay weerarada noocaan oo kale kooxda Al-Shabaab.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa mid degan, waxaana aad u yaraaday weerarada qaraxyada ah ee ka dhici jira gudaha caasimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this