Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg-Deg : Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cade oo London ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Lodon (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii ee dowladdii KMG aheyd Nuur Xasan Xuseen (Cadde) ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska.

Nuur Cadde ayaa maalmihii dambe la xanuunsanayey cudur Coronavirus, isagoo ku jiray isbitaal ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Geerida ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marxuum Nuur Cadde, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Xaaji Maxamed Nuur Cadde.

Sidoo kale Xaaji Maxamed oo ah wiil uu dhalay marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lagu aasi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this