Deeq A. Posted April 1, 2020 Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka ayaa ku eedeeyey ciidamada Jubbaland inay ka qeyb qaateen dagaal beeleedyo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Gaas ayaa tilmaamay inay arkayeen gawaarida ciidanka maamulka Jubbaland oo ku sugan afaafka hore ee deegaanada lagu dagaalamayo. Sidoo kale haweeney ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegtay inay garan la’yihiin sababta loo barakicinayo dadka deegan deegaanada ku yaalla Xeebta. Haweeneydaan ayaa sidoo kale tilmaamtay in Jubbaland ay dano gaar ah ka leedahay arrintaasi iyo colaada ka taagan gobolka Jubbada Hoose. Dagaalladan oo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil iyo dhul-daaqsimeed ayaa waxaa weli raad-kooda waxaa laga dareemaya duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites