Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen Odowaa oo si dirqiya uga badbaaday weerar Lo’ loo adeegsaday oo Al-shabaab la beegsadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka badbaaday qarax lagula beegsaday degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa qarax loo adeegsaday laba neef oo Lo’ah ku weeraray, kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Militariga Soomaaliya Gen Odowaa, inkastoo uu si dirqiya kaga badbaaday weerarkaasi.

Af-hayeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar (oronji), ayaa xaqiijiyay in Taliyuhu ka badbaaday qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab u adeegsadeen laba neef oo Lo’ ah.

Sidoo kale, Af-hayeenka ayaa xusay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya.

Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka, ayaa dhankooda tilmaamay in uu si dirqiya uga badbaaday Taliyaha, kadib markii ay ku weerareen laba sac oo miinaysan.

Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil wehelisay, ayaa wakhtiga qaraxlagu weeraray kormeer ku samaynayay, fariisimaha Ciidanka dowladda ee ku sugan degaanka Jannaale.

PUNTLAND POST

The post Gen Odowaa oo si dirqiya uga badbaaday weerar Lo’ loo adeegsaday oo Al-shabaab la beegsadeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this