Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashooyinka Soomaaliya oo laga shiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula qaatay  magaalada Muqdisho guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Kulan oo ahaa mid wadatshi iyo is xogwareysi ah ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystiraya sharciga doorashooyinka mudane Ibraahim Isaaq Yarow waxaana looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horyaalla guddiga.

Dhawaan ayey ahayd markii guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ay magacaabeen Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka u ah sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu  bishii hore saxiixay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this