Deeq A. Posted March 31, 2020 Hargeysa (SMN) – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa shaaca ka Qaaday in laba qof oo ku sugan magaalooyinka Burco iyo Berbera laga helay fayruska Corona. Labadan oof ayaa kala Ah nin u dhashay dalka China oo ku sugan Berbera iyo qof degaanka ah oo dhowaan kasoo laabtey Ingiriiska oo jooga Burca. Cumar Cabdi Cabdilaahi, wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland, oo warbaahinta u waramay, ayaa tibaaxay shaqsiyaadkaan xaaladoodu wanaagsan tahay. Xaqiijinta kiisaska ayuu xusay in ay u mareen sheybaar ay maamusho hay’adda caafimaadka aduunka oo yaala caasimadda Kenya ee Nairobi. Sikastaba ha ahaatee, kiisaska ay soo bandhigtay Somaliland ayaa tirada guud ahaan waddanka waxay ka dhigeysaa shan, maadaama saddex laga helay Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites