Sign in to follow this  
Deeq A.

Qofkii Ugu Horreeyay Ee Soomaali Ah Oo Norway Ugu Dhintay Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Norway)-Dalka Norway oo kamid ah dalalka uu ku faafay Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa waxaaa Maanta dalkaas ugu geeriyooday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kana kamid ahaa dadka kunool dalkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuumka Soomaaliga ee Cudurka u dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Faarax Cali, waxaana Maanta Aas loogu sameeyay xabaalo ku yaalla Magaalada Oslo.

Salaada Janaasada ayaa waxaa Marxuumka ku tukaday dad ku dhow 50 qof oo hay’addaha dowlada dalkaas ay ogolyihiin inay isugu imaan karaan Janaasada dadka u geeriyooda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa Cudurka Coronavirus waxaa ay ugu geeriyoodeen dalal ku yaalla Yurub, waxaana kamid ah Ingiriiska iyo dalka Sweden, iyadoona ay xusid mudan tahay in dad Soomaali ah oo kunool Yurub uu soo ritay Cudurkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this