Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya Oo Tareennadii Shaqada Laga Joojiyey Ka dhigaysa Cisbitaallo Ku Meel-gaadh Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hindiya)-Dawladda Hindiya ayaa Tareennadii laga joojiyey inay Dadka u kala daabulaan Magaalooyinka dalkaasi, waxay si ku meel-gaadh ah uga dhigtay Waadhadh loogu talo-galay in la dhigo Dadka uu ku dhaco Xanuunka dunida faraha baas ku haya ee Covid_19.

Diyaar-garowga caynkaas ah ayaa waxa keenay Cabsi laga qabo in hanaanka Caafimaad ee dalka Hindiya uu qaabili kari waayo Bukaannada Caabuqa Coronavirus.

Waaxda Maamusha Tareennada ee Dalka Hindiya ayaa sheegtay inay dib u habayn ku samayn doonto Daraasiin Tareennadii fadhiistay ah, si looga dhigo Cisbitaallo Maxali ah, kuwaasi oo qaarkood looga faa’idaysanayo in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Covid_19.

Hawlihii Tareennadu hayeen ee Daabulidda Dadweynaha Dalka Hindiya u kala gooshaya ayaa la joojiyey muddo 21 Maalmood ah, si looga hor tago Faafidda Cudurka Covid_19, sidaasi darteed Dawladda ayaa doonaysa inay muddadaa si kale uga faa’idaysato Tareennadii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this