Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali badan oo laga soo bad-baadiyey xeebaha Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay inay bad-baadiyeen illaa 30 ruux oo muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto, kuwaas oo si qasab dooni looga soo saaray xeebahaGiriiga.

Ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Turkiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doonida ay saar-naayeen muhaajiriinta ay soo badbaadiyeen, xilli ay mareysay badda Aegean ee ku dhow degmada Datca ee ka tirsan gobolka Mugla ee dalkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in  muhaajiriintaasi ay ka soo kala jeedaan dalalka, Somalia, Palestine, Iraq, Iran, Syria, Jamhuuriyadda Congo iyo Tunisia.

Muhaajiriinta laga soo musaafuriyay dalka Giriiga ayaa haatan loo gudbiyey maamulka socdaalka iyo qaxootiga gobolka Mugla ee koonfur galbeed ddalk Turkiga.

Wadamada Giriiga iyo Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay laba marin oo muhiima u ah u noqday muhaajiriinta ay Soomaalida ka mid tahay ,kuwaas oo u hanqal taagaya Yurub.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this