Deeq A. Posted March 31, 2020 Ciidamada Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay rag la sheegay inay Kufsi ka geysteen deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud, kadib baaritaan ay sameeyeen. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xabsiga u taxaabeen illaa 8 nin oo lala xariirinayo fal lagu Kufsaday gabar da’yar ah oo dadka deegaanka ka mid ah. Maamulka deegaanka Balanbale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/rrr.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites