Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo qalab ku wareejisay Hirshabelle iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka  (XFS) ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus si ku wareejisay maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qalabkaasi sida tooska ah loogu wareejiyey Hirshabelle iyo Galmudug uu qayb ka yahay deeqo gaar ah oo loo qoondeeyey dowlad goboleedyada ka jira dalka, si looga hortaggo faafitaanka COVID19.

Qalabkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ka heshay Shiinaha, gaar ahaan maal-qabeenka Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadda Alibaba oo qalabkaan ugu deeqay Afrika.

Horay dowladda dhexe ayaa maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed u gaarsiisay deeq la mid ah tan, si loo xakameeyo cudurkaan oo halis ku haya caalamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this