Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir oo soo rogay awaamiir culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudddiga maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortagga cudurkan Corona ayaa  maanta shir ay yeesheen ka soo saaray amarro culus oo la dul-dhigay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in muddo laba todobaad ah la mamnuucay in lagu dabaasho xeebta Liido, sababo la xariira caabuqa Corona.

Afhayeenku,wuxuu ku baaqay in la joojiyo isu-imaatinada dadka, sida shirarka,  xafladaha aroosyada iyo munaasabadaha kale ee la isugu tago.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u qaaday tallaabooyin looga horatagayo cudurka, iyadoo joojisay dhammaan duulimaadyada, sidoo kalena xirtay xarumaha waxbarashada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this