Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir isku dilay cudurka Coronavirus awgiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Hesse (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanayo dalka Jarmalka ayaa sheegayo inuu wasiir ka tirsan wasiirada dalkaas isku dilay sabab la xiriirta cudurka sida weyn  ugu faafayo addunyada ee Coronvirus..

Wasiirka Maaliyada ismaamul goboleedka Hesse ee waddanka Jarmalka Thomas Schaefer ayaa nafsadiisa gooyay, waxaana meydkiisa laga helay agagaarka waddo tareen sida uu xaqiijiyay Volker Bouffier oo ah gudoomiyaha gobolka ay dhacdada ka dhacday.

“Aad baan uga murugooday waxa dhacay, waan aamini la’nahay, anfariir ayey dhamaanteen nala tahay” ayuu yiri Bouffier oo saxaafadda la hadlaayay.

Wararka waxey intaas ku darayaan in dacawad oogayaasha magaalada Wiesbaden ay rumeysan yahiin inuu wasiirka isaga naftiisa gooyay, balse lama helin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaabka uu isku dilay

Sidoo kale Booliiska iyo Xeer Ilaalinta waxey si wadajir ah u sheegeen iney arkeen xaqiiqooyin, sidoo kalana wareysiyo  lala yeeshay dad goobta ku sugnaa waxey qirayaan in masuulka uu isaga is dilay.

Mr. Schaefer ayaa muddo sanado badan ah ka shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Hesse ayaa ku hawlanaa sidii uu ula tacaali lahaa saameynta shirkadaha iyo Dhaqaalaha uu ku yeeshay fayrus-ka adduunyada gilgilay ee Coronavirus.

Wasiirka naftiisa is dhaafiyay iyo hogaamiyaha gobolka Volker Bouffier ayaa xiriri dhanka siyaasadda ah la leh Angel Markeyl oo qudheeda loo karantiilay sabab la xiriirta Coronavirus.

Masuulka geeriyooday oo ay dadka Jarmalka ixtiraam badan u hayeen wuxuu ka geeriyooday laba caruur ah iyo hooyadood, waxaana la filayaa in noloshooda inta ka dhiman ay damaanad qaadeyso dowladda Dhexe wadanka Jarmalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this