Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo qalab caafimaad ku wareejisay HirShabelle & Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus si rasmi ah ugu wareejisay maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

Qalabkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ka heshay Shiinaha, gaar ahaan maal-qabeenka Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadda Alibaba oo qalabkaan ugu deeqay Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qalabka sida toos ah loogu wareejiyey HirShabelle iyo Galmudug uu qayb ka tahay deeqo gaar ah loo qoondeeyey dowlad goboleedka ka jira dalka, si looga hortaggo faafitaanka COVID19.

Horay dowladda dhexe ayaa maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed u gaarsiisay deeq la mid ah tan, si loo xakameeyo cudurkaan oo halis ku haya caalamka.

Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijisay illaa saddex kiis oo caabuqa Corona ah oo laga helay dad ku sugan Muqdisho oo uu mid ka mid ah yahay qof Ajanbi ah.

90993027_2673766062746562_85428018270521 91306133_2673761042747064_29451360535660 Agabka-Wasaaradda-Caafimaadka-696x522-1.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this