Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidanka Itoobiya oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaayrey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qarax nooca miinada ah oo kolonyo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM lagula eegtay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka saldhig ciidamadaasi ay ku leeyihiin Garbahaarey ayaa jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafado ka tirsan fgudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay askarta lala bartilmaameedsaday miinadaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan ayaa faah faahin ka bixisay, waxaana ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino ay ku dhaawacday 4 askari oo kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa milatariga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this