Deeq A. Posted March 31, 2020 Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaallo u dhexeeyey Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka koowaad ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Bariire iyo degmada Awdheegle, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo muddo socday. Sidoo kale dagaalkaasi kadib ayaa la sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Bariire, kadibna uu ka dhacay iska hor imaad kale. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiha ee ka dhashay dagaalladaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq dhaqaaqyo cusub ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites