Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbadaha Musharixiinta Guddoonka KGS oo Maanta bilaabanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sida qorshaysan maanta laga dhegaysan doonaa Khudbadaha Waxqabadkooda.

.Xilka guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee maamulka Koofur galbeed waxaa u taagan laba Xildhibaan oo kala ah Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Dr. Cali Saciid Faqi oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa u tartamaya Xildhibaanada kala ah Aamina Isaaq Maxamed iyo Maxamed Nuur Maxamed Macalin, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ay u tartamayso oo  kaliya Xildhibaan Shamso Maxamed Yarow.

Doorashada ayaa waxaa la Filayaa  in ay dhacdo Arbacada berriya oo ku beegan 1-da April 2020

PUNTLAND POST

The post Khudbadaha Musharixiinta Guddoonka KGS oo Maanta bilaabanaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this