Deeq A. Posted March 31, 2020 Xubnaha golaha ammaanka ee QM ayaa yeeshay kulan aan caadi aheyn oo ay ku meel mariyeen afar qaraar, kadib markii ay qaab muuqaal ah uga arrinsadeen cabuqa Corona. 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa qodobada ay si weyn uga doodeyn waxaa kamid ahaa in ciidamada Qaramada Midoobay ay sii joogaan gobolka Darfur ee dalka Suudaan, in la kordhiyo cuna qabateynta dalka Kuuriyada Woqooyi, xoojinta taageerada ciidamada qeybta ka ah howlgallada nabad ilaalada ee Qaramada Midoobay iyo in mudo kordhin loo sameeyo xafiiska howlgalka kaalmeynta ee magaciisa loo soo gaabiyo UNSOM. Xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa fariimo ay ku soo direen Emailka ugu codeeyey in la kordhiyo muddada xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Xubnaha ayaana isku raacay in muddadada howlgalka Qaramad Midoobay ee Soomaaliya la gaarsiiyo 30-ka bisha June ee bartamaha sanadkan 2020 aan ku guda jirno. Si kastaba ha’ahaatee mudo kordhinta loo sameeyey xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa ku sinaa 31-ka March oo maanta oo talaado ah ku beegan, balse golaha ayaa saddex bilood oo dheeraad ah ku kordhiyay muddada howlgalka kaalmeynta Qaramada Qaramada Midoobay ee gudaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites