Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Uganda oo dacwad ku oogtay Baadari ka hadlay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Uganda ayaa ku eedaysay baadari dalkeeda u dhashay in uu dadka taabacsan u sheegay in cudurka safmarka ah ee Covid-19 uusan ka jirin qaaradda Afrika.

Dacwad oogayaasha ayaa Augustine Yiga ku eedeeyay inuu Jimcihii ka sheegay kaniisadda Revival Christian in cudurkaasi dilaaga ah uusan qaaradda ka jirin, hadalkaasi oo laga baahiyay telefishinnada maxalliga ah.

Baadari Augustine Yiga ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay.

Dowladda ayaa sheegaysa in Baadarigaas hadalkiisu uu caqabad ku noqday dadaallada looga hortagayo faafidda cudurka Coronavirus.

Haddii lagu helo dacwaddaas loo haysto, waxa uu ku mutaysan karaa ilaa todoba sano oo xabsi ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Uganda oo dacwad ku oogtay Baadari ka hadlay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this