Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan cidda ay ahaayeen raggii lagu dilay iska hor-imaadkii Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa ciddii ay ahaayeen rag hubeysnaa oo shalay ciidamada amniga Soomaaliya ay ku dileen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ragga la dilay oo laba ahaa ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaana dilkooda uu yimid kadib markii ay iska caabin sameeyeen xilli la isku dayayey in hubka laga dhigo.

Laamaha amnigu Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in raggaasi la toogtay ay damacsanaayeen inay weeraro ka gaystaan suuqa Bakaaraha, inkasta oo aysan faah-faahin nooca weerarka.

Qof saddexaad oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaasta ay is-weydaarsadeen kooxdii hubeysneyd iyo ciidamada booliska. Waxaa sidoo kale labada nin ee la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ay dhaawaceen askari ka tirsan ciidamada booliska, sida aan xogta ku helnay.

Markii ay dhacdadan shalay dhacday ayaa waxay wararku sheegayeen in ragga la toogtay ay ahaayeen burcad, hase yeeshee daba-gal dheeri ah oo ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish.

Kooxda Daacish ayaa awood ahaan saameyn ballaaran ku lahayn magaalada Muqdisho, mana jirin muddo fog wax weeraro qorsheysan ah oo ay ka fuliyeen magaalada.

Sanadidi tagtay, Daacish ayaa caasimadda ku dishay shaqsiyaad dhowr ah oo ka tirsan shirkado ganacsi oo ay ka dooneysay lacag baad ah, hase yeeshee waxaa sida aan xogta ku helnay magaalada ka sifeeyey kooxda Al-Shabaab kadib markii shirkadahaas ay ku dacweeyeen maadaama ay ayaga lacag siiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this