Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo go’aamisay in la xiro goobaha barashada Diinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa go”aamiyay in la xiro goobaha barashada Diinta,dugsiyada iyo Mowlacyada,islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19.

Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub.

Sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay:

” Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”

Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada.

91088308_3013751388682752_37457780097731

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this