Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo amartay in la xiro goobaha diinta lagu barto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa amartay la xiro goobaha barashada diinta, dugsiyada iyo mowlacyada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya.

Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo culimada, waxaana dadweynaha lagula taliyay in guryahooda ay ku cibaadaystaan, si looga taxaddaro faafitaanka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub, sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay:

“Laga billaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay dugsiyada barashada qur’aanka iyo xarumaha barashada diinta muddo laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19.”

Dawladda Soomaalya waxay horey u amartay in la xiro iskuullada iyo jaamacadaha, sidoo kale waxay dawladdu joojisay duulimaadyadii gudaha iyo dibedda.

Dhinaca kale hay’adda caafimaadka adduunka xafiiskeeda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA Somali u sheegtay in ilaa haatan shaybaarka lagu xaqiijiyey saddex kiis oo ah cudurka Coronavirus Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this