Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo howlgallo ka wada waqooyiga Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo baaritaano ah ka wada xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa u jeedkooda lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi.

Sidoo kale baaritaanadaan ayaa yimid, kadib amar ka soo baxay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, kaas oo ku aadanaa in la adkeeyo amniga maamulkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Gaalkacyo, qeybteeda waqooyi waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada, iyadoona ay dhowaan ku dagaalameen maleeshiyaad xoog ku soo furtay nin maxbuus ahaa iyo ciidamada Booliska ee saldhigga magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this