Deeq A. Posted March 30, 2020 Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu xir-xiray tiro Soomaali ah oo jabisay bandow ay soo rogtay dowladda dalkaasi. Soomaalida la xiray oo aan tiradooda la shaacin ayaa la sheegay inay fureen goobahooda ganacsi, iyadoona ay jiraan kuwa kale oo lagu riday ganaax lacageed. Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee uu saameeyey cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya caalamka. Daa’uud Maxamed Axmed oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Turki-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites