Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali badan oo lagu xiray dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu xir-xiray tiro Soomaali ah oo jabisay bandow ay soo rogtay dowladda dalkaasi.

Soomaalida la xiray oo aan tiradooda la shaacin ayaa la sheegay inay fureen goobahooda ganacsi, iyadoona ay jiraan kuwa kale oo lagu riday ganaax lacageed.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee uu saameeyey cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya caalamka.

Daa’uud Maxamed Axmed oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Turki-1.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this