Deeq A. Posted March 30, 2020 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa soo dhaweysay dhaqaale gaaraya 1.7 Milyan oo dollarka Mareykanka ah oo Japan ay ugu deeqday dowladda federeaalka ah ee Soomaaliya. Xukuumadda Tokyo ayaa dhaqaalahaasi ugu deeqday Soomaaliya, si loogu kaabo dadaallada wax looga qabanayo arrimaha bani’adanimada ee ka jira dalka. UNHCR ayaa sheegtay in dhaqaalaha Japan ay ugu deeqday Soomaaliya la filayo in dib u dajin loogu sameeyo dadka ka soo laabanaya dalka Yemen, barakacayaasha iyo beeraleyda uu sanadkan dalagoodii cagta mariyay xayawaanka Ayaxa loo yaqaano. Wakiilka hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Johann Siffointe ayaa xusay in Japan ay ka mid tahay wadamada taageerada ugu xoogan siiya Soomaaliya, isagoo sheegay in shanti sano ee la soo dhaafay ay 34 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ugu deeqday Soomaaliya. Sidoo kale tilmaamay inuu uga mahadcelinayo dowladda Japan dhaqaalaha ay ku taageertay dadaalada lagu hormarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed ee danta yar. Horaantii sanadkan dowladda Soomaaliya iyo hay’daha gargaarka ayaa ku dhawaaqay malaayiin dollar, si looga jawaabo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, xilli ay bilowdeen roobabkii guga oo ka curtay qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites