Deeq A. Posted March 30, 2020 Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) ayaa ka warbixiyey iska hor imaad maanta ciidanka Booliska degmada Howlwadaag iyo rag hubeysan ku dhex-maray gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Saalax Carab ayaa sheegay in is-rasaaseynta ay timid, kadib markii ay isku dhaceen raggaasi oo uu tilmaamay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo ciidanka amniga Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in markii dambe toogasho lagu dilay labo ka mid ah raggaas oo ku hubeysnaa bistoolado. Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa sidoo kale intaasi ku daray in iska hor imaadka u dhexeeyey labada dhinac uu ku dhintay qof shacab ahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo kale oo uu mid ka mid ah yahay askir ka tirsan ciidamada Booliska. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhafay ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Cadaani-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites