Sign in to follow this  
Deeq A.

DENI oo shaaciyey xog ku saabsan weerarkii Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey qarixii is-miidaamiinta ee ay xalay Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xog ku aadan weerarkaasi.

Deni ayaa marka hore tacsi u diray ehellada maruuxm Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo ahaan guddoomiyihii gobolka Nugaal oo ku geeriyoodey qaraxaasi.

Sidoo kale wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in Puntland ay ka war heysay xogta qarxaasi, balse uu dhacay, xilli ay ku raad-joogeen laamaha amniga ee maamulkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay ka maamul ahaan ka go’an tahay ciribtirka nooc-kasta oo ah waxa loogu yeero argagixisada.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, kuwaas oo weeraro ka fuliya deegaana kale ee maamulkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Codka-Madaxweynaha-Puntland.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this