Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo rogtay BANDOW 15 cisho ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa guddoomiyey shir xasaasi ah oo looga hadlayey caabuqa Corona, kaas oo fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu go’aamiyay bandow 15-cisho ah oo lagu soo rogay deegaanada maamulkaasi.

Bandowga ayaa dhaqan galaya 1-da bisha April oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxuuna bilaabanayaa 6:00,pm (Lexda Maqribnimo), wuxuuna ku egyahay 5:00,AM (Shanta Aroornimo).

Sidoo kale waxaa la faray hay’adaha amniga inay xoojiyaan nabad-gelyada iyo sidoo kale ka hortagga cudurka Coronavirus.

Puntland ayaa horay u xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sababo la xariira caabuqa Corona.

91420463_881421332271388_613850831475913

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this