Deeq A. Posted March 30, 2020 Madaxtooyada JFS waxa ay ka tacsiyeynaysaa geerida xanuunka leh ee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismaadaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garoowe. Qoraal uu faafiya Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani uu geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites