Deeq A. Posted March 30, 2020 Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay afar kiis oo la xariira cudurka Coronavirus, waxaana afartaasi qof la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca xadka Jabuuti iyo Somaliland. Wasaaradda caafimaadka jamhuurityadda Jabuuti ayaa xaqiijisay in afarta ruux oo ka yimid magaalada Hargeysa ee Somaliland, islamarkaana ka soo gudbay xuduudka deegaanka Lawycado laga helay cudurka dilaaga ah ee COVID-19 oo halis ku haya caalamka. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in afartaasi ruux ay horay isugu dayeen in safar hawada ku yimaadaan magaalada Jabuuti,balse aysan u suura-gelin, sababo la xiriira hakadka dowladda ay gelisay duulimaayadi caalamiga ah ee imaan jiray dalkaasi. Si kastaba ha’ahaatee warbaahinta ku hadasha afka dowladda Jabuuti ayaa laga soo xiganayaa in afartaasi ruux ee ka yimid dhinaca maamulka Somaliland, islamarkaana laga helay caabuqa Corona loo qaaday dhanka magaalada Carte, si halkaasi loogu dabiibo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites