Deeq A. Posted March 30, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta uu ka dhacay duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannado ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano dhaca agagaarka webiga Shabelle. Ilo deegaanka ah ayaa Radio Shabelle u sheegay inay arkayeen dhaawaca askari ka tirsan ciidanka AMISOM, walow aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha kale ee jira. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan halkaaasi. Janaale ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee dhowaan lagala wareegay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo muddo ka talinayey deegaankaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites