Deeq A. Posted March 30, 2020 Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan ayaa la kulmay xubno sar sare oo qeyb ka ah guddiga diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaran ee dalka iyo Sanataro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Danjire James Swan ayaa kulan gaar ah la qaatay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga labada aqal ee diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaran ee dalka iyo Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo ka mid ah guddigaaasi. Labada dhinac ayaa waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha doorashooyinka , iyaga oo si qota dheer uga hadlay diyaar garowga dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla falan-qeeyay fursadaha u banaan iyo caqabadaha ku hor gudban guddiga diyaarinta xeerarka doorashooyinka iyo doorka ay ka qaadan karaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca gudaha dalka. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan saxiixay sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka oo horay ay u soo meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites