Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefonka ugu Tacsiyeeyay madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay khadka Teleefomka kula hadlay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xukuumadda iyo shacabka Puntland uga tacsiyeeyay, geeridii ku timid Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (gu’jir), oo u geeriyooday qarax fiidnimadii xalay lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe.

Qoraal ka soo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Farmaajo, ayaa lagu sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay ka tacsiyaynayso geerida xanuunka leh ee guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi oo u geeriyooday qaraxii fiidnimadii caawa lagula beegsaday saldhiga magaalada Garoowe, kadib markii qof Nafti-hallige ah isku miidaamiyay guddoomiye Gu’jir iyo G/sare Faarax Galan-goolli.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas arxan darrada ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Marxuum Gu’jir, ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka guud ee Garoowe ugu geeriyooday, dhaawac daran oo ka soo gaaray qaraxaas, oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen malayshiyaadka Al-shabaab. Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa taliyihii hore ee qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galan-goolli iyo qof shacab ah oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefonka ugu Tacsiyeeyay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this