Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG-DEG: Qarax ka dhacay magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Qarax aan wali la ogaan noociisa ayaa lagu waramayaa in uu caawa fiidkii ka dhacay Garowe, caasimadda Puntland.

Weerarka ayaa la sheegay in lala beegsaday mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi [Gujir].

Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay falkaas.

Laamaha ammaanka dowlad goboleedka ayaanan wali wax fahfaahin ah ka bixin dhacdadaas lama filaanka ah.

Sidoo kale, ma jirto koox dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxa, oo la tilmaamay in laga maqlay kamid ah magaala madaxda.

Garowe ayaa kamid ahayd magaalooyinka ugu amniga fiican Soomaaliya, waxaana qaraxa ka dhacay uu meesha ka saarayaa arrintaas.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco Shabelle

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this