Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay qaraxii magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro soo gaaray saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Nugaal oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe, caasimadda Puntland.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey looga shaki qabo inuu kusoo orday oo uu isku qarxiyey saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Nugaal, inkastoo mas’uuliyiinta Puntland aysan rasmi ahaan iyagu u xaqiijin sababta dhalisay qaraxa.

Weerarkan waxaa dhaawacyo culus ay kasoo gaareen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray askari ku sugnaa goobta.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Magaalada Garoowe ayaa ka mid ah meelaha ugu amniga badan Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this