Sign in to follow this  
Deeq A.

Sabriye oo la kulmay guddiga KMG ee doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddiga-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarrunta guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddi-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Madane Ibraahim Isaaq Yarroow.

Guddiga iyo Wasaaradda ayaa ka wada hadlay arrimaha Muhiimka u ah dhameystirka Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ay kamid yihiin afarta Xeer ee loo xil-saaray Guddiga Wadajirka ah,kuwaas oo kala ah.

Xeerka Deegaameeynta Kuraasta.

Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland).

Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.

Xubnaha guddigaan ayaa horey waxaa ay ula kumeen Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo xubno kale,iyada oo ay si caadi ah u wataan howshooda.

91067797_806186869870379_435238384903703 91087959_806186596537073_398279820236449

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this