Deeq A. Posted March 29, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay warbahinta Qaranka ayaa sheegay in taliska Ciidanka Asluubta taxadar weyn u galay hubinta iyo badqabka caafimaadka maxAabista ku xiran xabsiyadDa dalka gar ahaan xabsiga dhexe ee xamar . Sidoo kale waxaa uu taliya sheegay in qalab caafimad la geeyay xabsiga dhaxe si loo ilaaliyo cafimaadkooda maxaabiista ,kuwaasi oo ka kooban saabuunta gacmaha lagu meerto, dawooyimka ilaaliya jermiska iyo qalabka lagu xirto afkan si looga taxadiro faafida CoronaVirus oo kiiskii sedexaad laga helay dalka Taliska ciidanka asluubta ayaa dhawaan soo saaray amarro ku aadan inaan lasoo booqan karin maxaabiista ku xeran xabsiga dhexe ka dib markii ay wasaaradda caafimaadka ay ka digtay isdhaxgalka dadweynaha. Generaal Mahad ayaa sheegay in xabsiga dhexe uu ka mid yahay meelaha ugu nugul caafimaadka loona baahanyahay in fiijignaan dheere ah laga muujiyo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites