Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xanibaad ku soo rogtay dadka ka imanaya Yurub iyo Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aano cusub oo ay uga hortageyso faafitaanka cudurka Coronavirus, oo dunidoo dhan ku haya faro ba’an.

Somaliland ayaa xanibaad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay Muwaadiniinteeda ka imanaaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka, kadib markii qiimeyn ay ku sameeyen Guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga COVID-19.

Guddiga ayaa sheegay inay cabsi weyn ka qabaan in dadka ka imanaya dalalkaasi ay qabaan cudurka aan weli daawada loo helin ee Coronavirus, sidaasi darteedna wixii berri ka dambeeya aysan usoo safri karin Somaliland.

Waxaana shirkadaha diyaaradaha ee yimaada madaarka Somaliland looga digay inay soo qaadaan rakaab ka imanaya dalalkaasi ay xanibaada ku soo rogtay Xukuumadu, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Guddigaasi.

Hoos ka aqriso War-saxaafadeedka guddiga oo dhameystiran:

91051152_2795703550543480_31043146626115

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this