Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo ka hortegay Gantaallo lagu soo weeraray caasimaddiisa Riyaad oo waxyeelo u gaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

 

riyadh.jpg

Sida uu sheegay afhayeenka xulufada Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa waxa ay ka hortageen labo gantaal oo lagu soo weeraray magaalooyinka Riyad iyo Jizan.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Turki al-Malki ayaa sheegay in gantaalladan hawada lagu bur-buriyay abaarihii 23:23 (20:23 GMT) ee Sabtida, waxaana uu intaasi raaciyay in weerarkan ay ku tuhmayaan kooxda Xuutiyiinta ee ay dagaalka kula jiraan ee saldhiggoodu yahay dalka Yemen.

Al-Malki ayaa sheegay in bur-burka gantaalada ay waxyeello gaarsiiyeen deegaano ka tirsan labadan magaalo ee Riyadh iyo Jizan.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee Ap-carabiya ayaa waxaa gantaalladan lagu burburiyay lidka diyaaradaha ee uu soo saaro Mareykanka kaas oo lagu magacaabo US Patriot.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyadda weerarkan uu sacuudigu sheegay in lagu soo qaaday.

Si kastaba Xuutiyiinta Yemen ayaa dhowr goor oo hore waxa ay gantaallo noocaan ah ku weerareen Sacuudiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this