Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo xirtay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaacisay inay xirtay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sababo la xariira Corona.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Mahad Xasan Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka hortagayaan qaad uu sheegay in si dhuumaleysi ah deegaanada Galmudug looga soo galiyo dhinac wadanka Itoobiya.

Sidoo kale Mahad Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo fulinaya amarkaasi, si loola socda dhaq dhaqaaqa deegaanada ku yaal xadka.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warbixi.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this