Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo wareysi siinayey Shabelle ayaa sheegay in dowladda Kenya ay baal-martay sharciyadii ay qaybta uga aheyd ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo ahaa in dowladda dhexe ay ka gacan siiso amniga.

Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in Kenya, si ay cadaadis ugu saarto dowladda dhexe kiiska badda ee haatan hor yaalla maxkamadda ICJ ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan tahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in DF ay muujisay dul-qaad, iyadoo awoodi kartay inay ka fal-celiso fara-gelinta Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland ee uu ku imaanayo magaalada Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyey in socdaalkiisa uu wax ka bedali doono xiriirka u dhexeeya 2 dhinac.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe uu ka sii darayey khilaafka u dhexeeya dhincayada  dowladda Dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this