Deeq A. Posted March 29, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ka soo baxayaan dil barqadii maanta sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland loogu geystay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ay dilkiisu fuliyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado. Dilka oo ka dhacay bartamaha Boosaaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay baxsadeen raggii ka dambeeyey, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Maxamed (Caynab), kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada cashuuraha bariga ee Puntland. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Boosaaso oo ku aadan dhacadadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay amniga magaaladaasi ayaa ahaa mid faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites