Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska ciidanka Xoogga oo ka hadlay howlgallada Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka Xoogga dalkaayaa faah faahin guud ka bixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Korneyl Ismaan Shabeel ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidamadu ay ka soo hoyeen guullo taariikhi ah, islamarkaana ay ku qabsadeen deegaano ay ka mid tahay Janaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/COD-1.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this