Deeq A. Posted March 29, 2020 Xildhibaan Maxamed Maxamed Cumar Caymoy oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo shir saxaafadeed ku qabtay Jowhar ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Sh/Dhexe. Caymoy ayaa sheegay in amniga jidka isku xirta Muqdisho iyo Jowhar uu yahay mid aad u liita, islamarkaana ay halis ay ku tahay Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fulisa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in burbur xoog leh uu ka jiro wadadaasi oo aan wax dayactir ah helin, kadib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka maamulka HirShabelle inay isku tashadaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horurmarka deegaanadooda. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Taliye-jowhar.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites